Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta guddoomiyo xaflad ay ku qalin jabinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca qaranka ee KDF-ta oo uu tababar u soo idlaaday.
Munaasabaddan ayaa galinka dambe ka qabsoomi doonto dugsiga tababarka militariga ee (DFRTS) ee ku yaalla ismaamulka Uasin Gishu .
Madaxweyne William Ruto ayaa la filayaa in uu ciidamada qalin jabinaya kula dardaarmo in ay wadanka ugu adeegaan si ay daacadnimo ku dheehan tahay oo ka madax bannaan eexasho , qof jecleysi , saameyn siyaasadeed, mid diimeed, qabyaalad iyo fulinta dano gaar ah.