Madaxweynaha dalka oo maanta furi doono kulanka gaarka ah ee EALA

0
247

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u furi doono shirka gaarka ah ee Baarlamaanka Bariga Afrika ee (EALA).
Golaha xeer dejinta ee EALA oo ka kooban 63 xubnood ayaa muddo saddex toddobaad ah gudaha dalka ku yeelan doono kal-fadhiyadiisa.
Waxaa uu goluhu eegi doonaa warbixinno ay soo gudbiyeen guddiyo kala duwan.
Kal-fadhiyada oo la soo gabagabeynaya 20-ka bishan ayaa doodaha la xiriira waxaa maareyn doono guddoomiyaha golaha xeer dejinta ee Bariga Afrika ee EALA , Joseph Ntakirutimana.
Mas’uulkan ayaa warfidiyeennada u sheegay in warbixinnada iyo hindise sharciyeedyada ay eegi doonaan ay ka mid yihiin kuwo khuseeya arrimaha gaadiidka iyo ganacsiga.
Sidoo kale xubnaha baarlamaanka EALA ayaa ka doodi doono dacwad ka dhan ah bangiga horumarinta Afrika oo uu gudbiyay muwaadin kenyaan ah.