Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta waxaa uu gobolka Nyanza ku sugan yahay maalinkii saddexaad.
Waxaa lagu wadaa inuu ka qayb galo munaasabad kaniiseed oo ka dhacaysa deegaanka Uriri ee ismaamulka Migori.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in munaasabaddan ay ka qabsoonto madaxtooyada yar ee Kisumu.
Sidoo kale kulan lagu waday in madaxweynaha uu xaruntaasi kula yeesho beeralayda ayaa loo wareejiyay deegaanka Awendo ee Migori.




