Madaxweynaha dalka oo loo magacaabay guddoomiyaha golaha Azimio-One Kenya

0
732

Waxaa wargeyska rasmiga ee Kenya Gazette lagu soo daabacay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu yahay guddoomiyaha golaha xisbiga siyaasadeed ee Azimio La Umoja-One Kenya .
Musharraxa madaxweyne ee Azimio Raila Odinga ayaa loo magacaabay madaxa xisbiga iyo xubin golaha ka tirsan.
Xubnaha golaha Azimio-One Kenya waxaa ka mid ah madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, dhigiisa KANU Gideon Moi, Martha Karua oo hoggaamiso Narc-Kenya , madaxa xisbiga NARC ,Charity Ngilu , dhigeeda DAP-K Wafula Wamunyinyi, wakiika haweenka ee ismaamulka Muranga Sabina Chege iyo kuwo kale.
Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa loo magacaabay xoghayaha guud ee golaha fulinta ee Azimio-One Kenya.
Golaha fulinta ee (NCEC) waxaa xubno ka ah barasaabka dowlad deegaanka Kakamega Wycliffe Oparanya , guddoomiye ku xigeena Jubilee David Murathe iyo agaasimaha fulinta ee Azimio Raphael Tuju.
13-kii bishan ayay ahayd markii si rasmi ah loo diiwaangeliyay Azimio-One Kenya Alliance.