Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa warbixin horudhac ah ka guddoomay guddi loo xil saaray inay dib u eegis ku sameeyaan waaxda booliiska ee wadanka.
Guddigan oo uu hoggaaminaya madaxii hore ee cadaaladda dalka David Maraga ayaa soo jeediyay in la wanaajiyo xaaladaha shaqo ee adeegga qaran ee booliiska , adeegga asluubta iyo adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Waxaa uu sheegay in saraakiishan la siin doono mushaar u dhigma shaqada ay hayaan.
Sidoo kale waxaa uu ayiday soo jeedinta ah in la dhaqangeliyo nidaam cusub oo saraakiisha ammaanka loogu kala wareejinaya goobaha shaqada.
Nidaamkan ayaa ah in sarkaalka uunan hal xarun ka howlgeli karin wax ka badan saddex sano.
Waxaa uu xusay in hadda ka dib aynan suurtagal noqon doonin in sarkaalka la dallacsiiyo isagoo ka soo shaqeeyay hal saldhig keliya.
Madaxii hore ee cadaaladda dalka ahna guddoomiyaha guddiga dib u eegista ku sameynaya howlaha ciidamada ammaanka ee dalka iyo daryeelka ay u baahan yihiin ayaa sheegay inay warbixintooda kama dambeyska ah madaxweynaha kula wadaagi doonaan hal bil gudaheeda.




