Madaxweynaha dalka oo lagu ammaanay ka shaqeynta nabadgalyada bariga Afrika

0
398

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guteress ayaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ku ammaanay inuu dadaal ku bixiyay sidii ay xasilooni uga jiri lahayd waddamada xubnaha ka ah jaaliyadda bariga Afrika ee (EAC) .
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale hadda ah guddoomiyaha EAC.
Antonio Guterres ayaa xusay in hoggaamiyaha Kenya uu mudan yahay in lagu bogaadiyo kaalinta uu ka qaadanayo sidii ay nabadgalyada uga jiri lahayd jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC iyo waddamada dariska la ah.
Waxaa uu u xaqiijiyay taageerada qaramada midoobay isagoo sheegay inuu la soo hadlay madaxweynaha dalka.
Qoraal uu soo saaray ayuu Guterres ku xusay in jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay si buuxda u taageerayso dadaallada lagu nabadeynayo DRC iyo dalalka kale ee u dhow.
Khamiistii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka iyo hoggaamiyaasha waddamada Uganda, Burundi, Rwanda iyo DRC aymagaalada Nairobi ku qaateen kulan ku saabsan xal u helidda caqabadaha Congo ka taagan.