Madaxweynaha dalka oo lagu ammaanay hoggaaminta EAC

0
415

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu bogaadiyay inuu horumarro ku dayasho mudan sameeyay muddo hal sano ah oo uu ahaa guddoomiyaha Jaaliyadda Bariga Afrika ee EAC.
Jaaliyadda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Mr. Kenyatta uu muujiyay sida ay uga go’anayd ka shaqeynta isdhexgalka gobolka.
Sidoo kale waxaa uu xoogga saaray arrimaha nabadgalyada iyo ganacsiga.
Mr. Kenyatta ayaa xilka guddoomiyaha EAC ku wareejiyay dhigiisa Burundi, Evariste Ndayishimiye .
Xilkan ayuu 27-kii bishii labaad ee sanadkii hore kala wareegay madaxweynaha Rwanda , Paul Kagame .
EAC ayaa intii uu madaxweynaha dalka guddoomiyaha ahaa sheegtay inuu xubnaha jaaliyadda isugu xiray dhanka dhaqaalaha , siyaasadda , bulshada iyo dhaqanka.
Tani ayaa toddobada waddan u fududeysay inay xoojiyaan iskaashigooda dhinaca ganacsiga.
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale diiradda saaray wax soo saarka maxalliga iyo warshadaha.
Sido kale waxaa lagu ammaanay aasaasidad suuq ka wada dhexeya dalalka EAC iyo ganacsiga xorta ah.