Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kulan la yeeshay Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.
William Ruto ayaa ah guddoomiyaha madaxda afar waddan oo ay IGAD u xil saartay xallinta colaadaha Suudaan.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii ay kulmeen madaxweynaha dalka iyo madaxa golaha ku meel gaarka ah ee hoggaamiya Suudaan General Cabdel Fataax Al- Burhaan.
IGAD ayaa walaac ka muujisay xaaladda baniaadannimo ee ka sii dareysa ee ka taagan Suudaan.
Sidoo kale madaxa IGAD ayaa ku baaqay in xabbad joojin degdeg ah ay ka dhaqan gasho wadankaasi.
Waxaa uu ku taliyay in la dardargeliyo geeddisocodka wada hadallada nabadeed ee Jeddah ee la doonayo in lagu heshiisiiyo militariga Suudaan iyo saraakiisha RSF ee dagaallamaya tan iyo bishii Afaraad.