Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kula kulmay hoggaamiyaasha ismaamulka Nakuru .
Waxaa siyaasiyiintan hor kacayay wasiirka wasaaradda ganacsiga , warshadaha iyo maalgashiga ee dalka Lee Kinyanjui iyo barasaabka dowlad deegaankaasi Susan Kihika.
Ruto ayaa dhanka kale qoraal ku sheegay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS ay qasab ku tahay gudashada waajibaadka dastuuriga ee ka saaran badbaadinta kenyaanka iyo hantidooda.
Waxaa uu xusay in shacabka ay u baahan yihiin in laga badbaadiyo dambiileyaasha haddii ay rayid yihiin mise ay ku labisan yihiin darees ciidan labaduba.
Sidoo kale, hoggaamiyaha qaranka ayaa tilmaamay in maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska ee IPOA uu ku qasban yahay inuu si degdeg ah xilli hore ula tacaalo saraakiisha uunan habdhaqankoodu wanaagsanayn.