Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa aqalka madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi kula kulmay la-taliyaha sare ee dhiggiisa Maraykanka Donald Trump oo lagu magacaabo Massad Boulos.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in Kenya ay ka mahadcelinaysa iskaashiga adag ee kala dhexeeya Maraykanka.
Ruto ayaa xusay in ay ka go’an tahay sare u qaadidda xiriirkan gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, helidda cunnada iyo xasilloonida geeska Afrika si guul loo wada gaaro.