Madaxweynaha dalka oo la kulmay hoggaamiyihii hore ee Maraykanka Barack Obama

0
232

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Washington , DC kula kulmay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama .
Waxay ka wada hadleen horumarka dimuqraadiyadeed iyo caqabadaha dhanka cimillada ,nabadgalyada iyo amni ee qaaradda Afrika.
William Ruto ayaa kulanka uu la qaatay Obama ku tilmaamay mid miro-dhal ah.
Waxaa uu xusay in ay sidoo kale isla eegeen arrimaha tiknolojiyadda , hal-abuurka tacliinta sare iyo culuunta farsamada.
Ruto iyo Obama ayaa sidoo kale iswaydaarsaday aragtidooda ku aaddan qaabka ay Kenya iyo si guud Afrika uga faa’iidaysan karaan maamullada Maraykanka iyo karaankooda tikonolojiyadeed si ay u horumariyaan danahooda.