Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaasha Migori oo uu hor kacaya barasaabka dowlad deegaankaasi Ochillo Ayacko.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu ku farxay warbixinta laga siiyay geeddisocodka horumarineed ee ka jira ismaamulkaasi.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa sheegay in ay marxalado kala duwan marayaan oo la gabagabeyn doono mashaariicda dhanka suuqyada , guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo, waddooyinka iyo machadyada lagu barto farsamada.
Ruto ayaa tilmaamay in marka mashaariicdan la dhameystiro ay wax wayn ka beddeli doonaan mustaqbalka ardayda iyo guud ahaan nolosha shacabka ismaamulka Migori.