Madaxweynaha dalka oo la kulmay hoggaamiyaasha iyo ganacsatada Siaya

0
340

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay hoggaamiyaasha iyo ganacsatada ismaamulka Siaya.
Waxaa uu qoraal ku sheegay inuu u faahfaahiyey mashaariicda horumarineed ee ay dowladdu ka fulinaysa gobolka Nyanza.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in lacag dhan hal bilyan oo shilin lagu maalgelin doono kaabayaal dhanka waddooyinka iyo dekadda ah.
Sidoo kale , dowladda ayaa ismaamulka Siaya ka dhisi doonto suuqyo gaaraya 16 iyadoo ay howshan ku baxaysa 2.5 bilyan oo shilin.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in lacag dhan 1.6 bilyan loo qoondeyn doono sidii adeegga korontada loo gaarsiin lahaa ugu yaraan 16,000 oo qoysas ah si loo dardargeliyo howlaha ganacsiga ee Siaya.
Waxaa shakhsiyaadka la kulmay madaxweynaha hoggaaminayay barasaabka dowlad deegaanka Siaya James Orengo.
Dhanka kale, shalay ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu barasaabyada ismaamullada ku boorriyay in ay xaqiijiyaan in isbitaallada dowliga ah ee ku yaalla deegaannadooda laga diiwaangeliyay caymiska caafimaadka bulshada ee SHA.
Waxaa uu sheegay in ay nasiib darro tahay in qaar ka mid ah isbitaallada dowladda aan weli caymiskan laga diiwaangelin iyadoo ay sidaasi sameeyeen xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay billowday barnaamij lagu casriyeynaya isbitaallada dowladda si meesha looga saaro kuwa faaliska ah.
Sidoo kale , si loo xoojiyo isbeddellada dhanka wax soo saarka beeraha waxaa la is waafajinaya howlaha wakaaladaha iyo waaxyaha hoos tago wasaaradda beeraha ee dalka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa tilmaamay in la diiwanagelin doono beeraleyda xoolaha dhaqdo iyadoo dhanka kale la soo saaraya nidaamka tallaalka xoolaha oo casri ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa xusay in la sii wadi doono wada tashiyada joogtada ah ee u dhexeeya dowladda sare iyo ismaamullada si loo sii wanaajiyo wada shaqeyntooda.