Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa magaalada Beijing kula kulmay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping .
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Kenya iyo Shiinaha uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan oo dibloomaasiyadeed.
Ruto ayaa xusay in xiriirkan ay ka wada faa’iideen labada waddan oo isbeddel wayn lagu sameeyay marinka tareennada ee dalka , waddooyinka iyo kaabayaasha dekadda sidoo kalena la xoojiyay isdhexgalka shacabka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga Kenya kala dhexeeya Shiinaha uu suurtageliyay dhisidda marinka casriga ee tareennada ee SGR-ka , waddada wayn ee Nairobi Expressway iyo kuwo kale oo maro degmooyinka.
Waxaa uu sheegay in dhiggiisa Shiinaha uu oggolaaday in dalagyada ka soo go’o beeraha Kenya loo iibgeeyo dalkaasi.
Sidoo kale waxay isku afgarteen in ay ka wada hadlaan mashaariicda dhanka kaabayaasha sida ballaarinta marinka casriga ee tareennada iyo waddada xiriirisa magaalooyinka Rironi-Mau Summit-Malaba ee ismaamullada Kiambu, Nakuru iyo Busia.
Madaxweyne William Ruto ayaa Beijing uga qayb galaya madasha 9-aad ee shirweynaha iskaashiga Shiinaha iyo dowladaha Afrika.
Waxaa kulankaasi looga hadlaya arrimaha cimillada, dhaqaalaha dhijitaalka ah, tiknolojiyadda , tamarta iyo qodobbo kale.