Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa magaalada Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta kula kulmay dhigiisa wadankaasi Sheekh Maxamad bin Zayed Al Nahyan.
Hoggaamiyaha dalka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kenya iyo Imaaraatka uu ka dhexeeya xiriir soo jireen ah.
Waxaa uu intaasi ku daray inay daneynayaan sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga dhanka ganacsiga ee labada waddan.
William Ruto ayaa xusay in magaalada Dubai ay ku taallo meel istaraatiiji oo halbowle u ah ganacsiga.
Madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay in qorshuhu uu yahay in la kordhiyo qiimaha lacageed ee badeecooyinka ay Kenya u dhoofiso dibadda oo ah 34.6 bilyan oo shilin.
Madaxweyne William Ruto ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha dalka Kosovo Vjosa Osmani oo ay ku heshiiyeen ka shaqeynta arrimaha ay dani ugu wada jirto dalalkooda.