Madaxweynaha dalka oo la kulmay amiirka Imaaraadka

0
737

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo safar saddex cisho ah ku joogo Imaaraadka ayaa kulan la qaatay hoggaamiyaha dalkaasi Sheekh Maxamad Bin Zayed Al Nahyan.
Waxay labada mas’uul ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee waddamadooda ka dhexeya.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayay madaxdan ku soo hadal qaadeen muhiimadda ay leedahay in Kenya iyo UAE-da ay dardargeliyaan saxiixidda heshiis la xiriira ganacsiga xorta ah.