Madaxweynaha dalka oo la kulmay agaasimaha machadka caalamiga ee tallaalka

0
223

Hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qaabilay agaasimaha guud ee machadka caalamiga ee tallaalka (IVI) Jerome H. Kim.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay inay si istaraatiiji ah u taageerayaan soo saaridda daawooyinka maxalliga ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in tani ay meesha ka saari doonto ku tiirsanaanta in dibadda wadanka laga keeno daawooyinka iyo in la sii xoojiyo barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ku daray in agaasimaha guud ee machadka caalamiga ee tallaalka uu daneynaya inuu dalalka dunida kala shaqeeyo sidii loo adeegsan lahaa tiknolojiyad cusub iyo cilmi baaris lagu soo saaraya daawooyinka.