Madaxweynaha dalka Kenya oo kulan sagootin ah la qaatay safiirka Angola

0
383

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in dowladaha Kenya iyo Angola uu xiriir adag oo saaxiibtinnimo ka dhexeeyay 50-kii sano ee ugu dambeeyay.
Waxaa uu xusay in danaha ay wadaagaan ay ka mid yihiin ganacsiga, maalgashiga iyo waxbarashada.
William Ruto ayaa sheegay in xiriirkan uu sii xoogeystay ka dib safarkii rasmiga ahaa ee uu madaxweynaha dalka Angola ,Joao Lourenço Kenya ku yimid sanadkii 2023-kii.
Labada dowladood ayaa xilligaasi wada saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo gaaraya 11 kuwaasi oo ku saabsanaa wax soo saarka beeraha, kaymaha iyo maareynta duurjoogta.
Ruto ayaa arrintan shaaca ka qaaday ka dib markii uu sagootin u sameeyay safiirka Angola ku matalo Kenya Ambasadoor Sianga Abilio oo uu ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu ugu hambalyeeyay inuu dhameystay muddo xileedkiisi danjirennimo ee dalka isagoo mustaqbalkana guul u rajeeyay.