Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka Nyanza.
Qoraal uu soo saaray ayuu Ruto ku sheegay inay la shaqeyn doonaan dhammaan madaxda dalka ee ka tirsan xisbiyada kala duwan.
Tani ayuu xusay in looga gol-leeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo wanaajinta nolosha malaayiinka qof ee kenyaanka ah si gaar ah in isbeddelka dhaqaale laga soo billaabo meel hoose.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay inay aaminsan yihiin in qaabkan uu yahay midka ugu wanaagsan ee wadanka uu ku noqon karo mid awood leh oo barwaaqo gaara.
Kulanka maanta waxaa ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Evans Kidero (Nairobi), Jack Ranguma (Kisumu) iyo Okoth Obado oo horay u soo noqday guddoomiyaha ismaamulka Migori, Rose Nyamunga , afhayeenkii hore ee booliiska dalka Charles Owino iyo xubno kale.
Waxay dhammaantood sheegeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan isbeheysiga talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Mas’uuliyiintan ayaa xusay inay xoogga saari doonaan sidii dowladda dhexe ay mashaariic horumarineed ugu fulin lahayd dadweynaha ku nool gobolka Nyanza.
Waxaa siyaasiyiintan kulanka ku wehelinayay wasiirka isgaarsiinta ee dalka Eliud Owalo iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ,Raymond Omollo.
We will work with all leaders from across the political divide to transform our economy and uplift millions of Kenyans, especially those at the bottom of the economic pyramid. We believe this leadership model is the right approach for a stronger and more prosperous nation. pic.twitter.com/qhGFlqDHCS
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) March 13, 2023
Also present were former MPs Rose Nyamunga (Kisumu), Fred Outa (Nyando), Nicholas Gumbo (Rarieda), Martin Ogindo (Rangwe), John Pesa (Migori), Omondi Anyanga (Nyatike), former Police Spokesman Charles Owino, among others. pic.twitter.com/kBGscCJjnm
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) March 13, 2023