Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kulan la yeeshay boqorka Netherlands Willem-Alexander.
Kulanka oo ka qabsoomay magaalada Hague ayay labada mas’uul ku muujiyeen sida ay dowladahooda uga go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka laba geesoodka ee ka dhexeya ee ku saleysan dan wadaagga.
Waxay Kenya iyo Netherlands iska kaashanayaan ganacsiga dhanka khudaarta iyo ubaxyada , xoolaha, caleenta shaaha, qaxwada, kalluunka iyo tubaakada.
William Ruto iyo boqor Alexander ayaa sidoo kale ka wada hadlay saameynta isbeddelka cimillada iyo qorshaha Kenya ee arrimaha deegaanka iyo ilaalinta duurjoogta.
Dowladda Netherlands ayaa sii wadi doonto tageerada ay Kenya siiso ee dhanka horumarinta deegaannada oomanaha ee ASALs, biyaha la gaarsiiyo degmooyinka iyo faya dhowrka, caafimaadka , horumarinta kaabayaasha iyo cilmi baarista dhanka beeraha.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya uu xiriir wanaagsan oo adag kala dhexeya Netherlands ayna doonayaan sidii loo ballaarin lahaa fursadaha ganacsi.
Kenya enjoys a solid relationship with the Netherlands. It is our intention to strengthen this relationship further, particularly through trade where we see more opportunities for horticultural products, tea and coffee, fruits, and fish.
Kenya will also work with the Netherlands… pic.twitter.com/fhvyExj2r6
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) May 8, 2023




