Madaxweynaha dalka oo kulan la qaadan doono boqorka Ingiriiska

0
212

Waxaa uu qorshuhu yahay in xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ay kulan ku yeeshaan madaxweynaha wadanka William Ruto iyo boqorka Ingiriiska King Charles III oo ay weheliso marwadiisa Queen Camilla oo xalay Kenya ku yimid booqasho afar cishe ah.
Boqorka iyo boqoradda ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweyn doonaa madaxtooyada dalka ka hor inta aynan billaaban wada hadallada.
Waxaa la filayaa in King Charles uu qirto xadgudubyadii uu gaystay maamulkii guumaysiga ee Ingiriiska.
Ujeedka safarka boqorka Ingiriiska ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka iskaashiga ku saleysan ee ka dhexeya labada dhinac.
Dhawaan ayay ahayd markii ururka xuquuqul aadanaha ee dalka uu dalbaday in King Charles uu raalli gelin buuxda ka bixiyo dhibaatooyin la gaarsiiyay kenyaanka xilligii guumaysiga oo ay ka mid tahay in la dilay ugu yaraan 10,000 oo qof halka kuwo kalena la jirdilay .
Xadgudubyadan ayaa inta badan saameeyay shakhsiyaadkii u halgamayay xurriyadda wadanka ee loo yaqaanay Mau Mau.