Madaxweynaha dalka oo ku boorriyay dowladaha xubnaha ka ah WHO inay u midoobaan la dagaalanka cudurrada faafa

0
289

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay waddamada xubnaha ka ah hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka adduunka ee WHO in ay hal meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka masiibooyinka si loo xaqiijiyo caalam caafimaad qaba.
Waxaa uu sheegay in dalalka xubnaha ka ah WHO looga baahan yahay inay qaataan go’aanno geesinimo leh iyo ficillo lagu xaqiijinayo in la gaaro himilooyinka guud ee horumarinta caafimaadka, ilaalinta amniga adduunka iyo u adeegidda dadka nugul.
“Si aan awood ugu yeelanno inaan si wax ku ool ah uga hortagno saameynta xun ee aafooyinkan, waxaan u baahannahay dadaallada wadajirka ah ee dhammaan dhinacyada” ayuu yiri madaxweyne Uhuru Kenyatta
Mr.Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasi oo uu uga qayb galaya shirka golaha caafimaadka adduunka oo markii ugu horreysay si ka fool ka fool loo qabtay tan iyo markii dabayaaqadii sanadkii 2019-kii dunida laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Covid19.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dalalku ay tahay inay abuuraan wada shaqeyn iyo iskaashi ballaaran si loo raadiyo xal waara oo laga gaaro caqabadaha horyaalla jiilka hadda jira, gaar ahaan kuwa khuseeya caafimaadka iyo nabadda.
Kalfadhiga golaha caafimaadka adduunka ee sanadkan ayaa hal-ku-dhiggiisu yahay “caafimaadka nabadda, nabadda caafimaadka” ayaa isu keenay hoggaamiyeyaasha dhammaan daafaha dunida si ay uga wada hadlaan arrimaha caafimaadka caalamka.