Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in xabad joojin laga dhaqangeliyo Itoobiya

0
373

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa jeediyay baaq ah in xabad joojin laga dhaqangeliyo wadanka Itoobiya.
Waxaa baaq kani la mid ah horay u soo saaray xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Antonio Guterres .
Mr. Kenyatta ayaa ku taliyay in xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Axmad ay mudnaanta koowaad siiso sidii xal waara loogu heli lahaa dagaallada ragaadiyay gobolka waqooyi ee Tigray.
Iskudhacyada ayaa u dhexeeya ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga xoreynta gobolkaasi ee TPLF.
Hoggaamiyaha dalka ayaa ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in dibloomaasiyad loo adeegsado xallinta colaadda saameysay bulshooyin dhowr ah oo qaar ka mid ah ay barakaceen.
Bayaan uu soo saaray ayuu Mr. Kenyatta ku xusay in nabad waarta ay ka jiri karto Itoobiya haddii caqabadaha taagan loo xalliyo qaab lagu wada qanacsan yahay.