Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha kala duwan ku boorriyay inay diiradda saaraan siyaasad waxtar u leh shacabka iyo si guud qaranka oo aan burbur horseedin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in laga soo gudbay xilligii tartamadii siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta sheegay in madaxda laga doonaya inay arrimaha siyaasadeed u wajahaan qaab nabad ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in rabshadaha iyo burburinta hantida ay dib u dhac ku keenayaan dalka.
Madaxweynaha oo gobolka Xeebta ku joogaya socdaal maalmo ah ayaa dhanka kale ciidamada booliiska ugu baaqay in iyagoo ilaalinaya xeerarka dastuuriga ah ay sida habboon ula tacaalaan cid kasta oo khalkhal gelinaysa xasiloonida iyo horumarka dhaqaale ee wadanka.