Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku baaqay in la joogteeyo dadaallada lagu xoojinaya kaalinta maxkamadaha ee ku aaddan xeerarka deegaanka.
Dr.Ruto ayaa tilmaamay in tani ay ka hor tag u noqonaysa in qaaradda Afrika ay ka sii jiraan dhibaatooyin dheeraad oo ku aaddan cimillada.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu si rasmi ah u furay kulankii saddexaad ee ay waddamada Afrika uga arrinsanayaan arrimaha deegaanka iyo kaalinta waaxda garsoorka kaga aaddan.
Madaxweynaha ayaa maxkamadaha ku boorriyey inaynan isku koobin keliya arrimaha dastuurka iyo xuquuqul aadanaha balse ay sidoo kale eegaan siyaabaha lagu xaqiijin karo cadaalad dhinaca cimillada ah.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa dhankiisa ku taliyey in maxkamadaha ay soo saaraan tallaabooyin dhanka sharciga ah oo lagu ciqaabi karo ciddii burbur u gaysata deegaanka.
Madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome ayaa dhankeeda sheegtay in dastuurka Kenya uu adkeeyay arrimaha deegaanka oo la qaaday tallaabooyin arrintan lagu sharciyeynaya.
PRESIDENT RUTO: AFRICA SHOULD FIGHT CLIMATE CHANGE TOGETHER
President @WilliamsRuto has asked Africa to make concerted efforts to win the war on climate change.
He said the continent is disproportionately affected by its adverse impacts… – https://t.co/bRHb4IOwFg pic.twitter.com/G3kOvjLw10— State House Kenya (@StateHouseKenya) April 3, 2023