Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa soo jeediyay in sare loo qaado dadaallada iskaashiga ku saleysan ee lagula dagaallamayo falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu xusay in musuqmaasuqa uu sabab u yahay dhibaatooyin badan oo wadanka ka jira.
Mr. Kenyatta oo caddeeyay in horumarro laga gaaray la dagaalanka wax isdaba marinta ayaa dhanka kale carrabka ku adkeeyay in aan arrintan laga daali karin ilaa iyo inta laga cirib tirayo musuqa.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dhammaan hay’adaha dowladda , ganacsatada, warbaahinta, hay’adaha aan dowliga ahayn, ururrada diimeed iyo shacabka ay hal meel ah uga soo wada jeestaan xeeladaha lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Mr. Kenyatta ayaa arrintan ka hadlay xilli uu shalay goobjoog ka ahaa munaasabad lagu wareejinayay lacag dhan 450 milyan oo shilin taasoo horay loogu keydsaday jasiiradda Jersey balse Kenya dib loogu soo celiyay.
Lacagtan ayaa waxaa qabtay maamullada Jersey ka dib markii shirkadda Windward Trading Limited lagu helay dembiyo la xiriira khiyaano maaliyadeed.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa goobjoog ka noqday in ka badan 39 sabar loogooyin ah oo lagu wareejiyay maamullo dowladeed iyo ismaamullada kuwaasoo horay dhulal dhan 14 looga dhacay.
Qimaha dhulalkan uu dib u soo celiyay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa ah ugu yaraan 5 bilyan oo shilin.
Danjiraha boqortooyada Ingiriiska ku matasho dalka Jane Marriot ayaa dhankeeda ballanqaaday in dowladda UK ay Kenya garab ku siin doonto sidii ay u soo ceshan lahayd hantida laga dhacay ee ku keydsan bangiyada ku yaalla qurbaha.