Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la soo afjaro colaadda Suudaan

0
223

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay qasab tahay in ciidamada militariga ee dalka Suudaan iyo saraakiisha RSF ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda ka dhexeysa ee soo billaabatay bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada dhinac ee dagaallamaya laga doonaya inay ku heshiiyaan in la furo marinka gargaarka baniaadannimo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay joojin doonto dhimashada shacabka, inay fududaynaysa helidda adeegyada dadweynaha oo ay dardargelinaysa in dagaallada laga gudbo.
Sidoo kale waxaa uu xusay in tani ay horseedi doonto in dib loo billaabo wajigii ugu dambeeyay ee geeddisocodka siyaasadeed si nabad iyo xasilooni waarta loogu soo dabbaalo wadanka Suudaan.
Arrintan ayuu madaxweynaha dalka William Ruto ka sheegay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya oo uu ka qabsoomay shirka afar geesoodka ee urur goboleedka IGAD kaasoo diiradda lagu saarayay xallinta shaqaaqooyinka saameeyay Suudaan.
Madaxweyne William Ruto oo ah guddoomiyaha afarta dowladood ee ka shaqeynaya arrimaha Suudaan sida Kenya, Jabuuti, Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda halkaasi ka taagan.
Waxaa uu sheegay in xogta la haya ay muujinaysa inay Suudaan ku barakaceen in ka badan 2.9 milyan oo qof.
Sidoo kale dhimashada ka dhalatay iskudhacyada Suudaan ayaa kor u dhaaftay 2,000 iyadoo dhibaatadan ay culeys saareysa waddamada Suudaan dariska la ah.
Ruto ayaa kulanka ka sheegay in baaxadda dhibaatada baniaadannimo ay tahay musiibo wayn.
Waxaa uu intaasi ku daray in weerarrada isirka ku saleysan ee laga gaysanaya Daarfuur ay qarka u saaran yihiin inay xasuuq isku beddelaan.
Waxaa uu ku celceliyay in walaaca taagan awgeed loo baahan yahay wada hadal nabadeed oo loo dhan yahay.
Waxaa kulankaasi sidoo kale ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ,Abiy Axmed, Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka ,Workneh Gebeyehu, Isku duwaha qaramada midoobay ee arrimaha baniaadannimo iyo gargaarka degdegga ah, Martin Griffiths,Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Youssouf oo matalayay madaxweynaha wadankaasi Ismaaciil Cumar Gelle oo sidoo kale ah guddoomiyaha IGAD ,Ergeyga gaarka ah ee dowladda Suudaanta Koonfureed Benjamin Bol Mel oo matalayay madaxweynaha dalkaasi ahna guddoomiye ku xigeenka IGAD, Salva Kiir , guddoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha siyaasadda , nabadda iyo ammaanka Ambasadoor Bankole Adeoye iyo wakiillo kale oo matalayay Midowga Yurub, dowladda Masar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka, Ingiriiska, Maraykanka iyo Mr. Yousif Izzat oo wakiil ka ahaa saraakiisha RSF ee dalka Suudaan.