Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska xildhibaankii deegaanka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Ong’ondo Were oo xalay fiidkii la toogtay.
Waxaa uu qoraal ku sheegay inuu murugada la qaybsanaya ehelka xildhibaanka iyo guud ahaan shacabka ku nool deegaankaasi ee uu tan iyo sanadkii 2017-kii ku matalayey baarlamaanka.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa ciidamada booliiska ku boorriyay in ay dilka xildhibaanka ku sameeyaan baaritaanno qoto dheer.
Ruto ayaa xusay in ay qasab tahay in lala xisaabtamo cidii falkaasi ka dambeysay.
Waxaa sidoo kale tacsi tani la mid ah diray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo sheegay in Charles Ong’ondo Were looga takhalusay si arxaan daran wuxuuna ku tilmaamay shakhsi geesi ahaa.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Masika Wetang’ula ayaa dhankiisa sheegay inuu aad uga naxay toogashada lagu dilay xildhibaankii deegaanka Kasipul.
Waxaa uu intaasi ku daray in dilka uu ka dhacay waddada Ngong Road ee ismaamulka Nairobi.
Sidoo kale , wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Aadan Barre Ducaale ayaa cambaareeyay dilka xildhibaan Charles wuxuuna sheegay in ay horay uga wada tirsanayeen baarlamaanka oo uu siyaasiga la dilay si wayn ugu ololeyn jiray danaha shacabka soo doortay.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay guda galeen baaritaanno .