Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in haweenka fursad loo siiyo hoggaanka ugu sarreeya

0
121

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa guddoomiyaha xisbiga uu hoggaamiyo ee UDA ahna barasaabka ismaamulka Embu ,Cecil Mbarire ugu baaqay in ay isbeddel ku sameyso dastuurka xisbiga.
Waxaa uu doonaya in isbeddellada ay mustaqbalka suurtageliyaan in haddii musharraxa xilka madaxweynenimo ee UDA uu qof rag ah yahay in haweeney ay ku xigeen u noqoto ama haddii ay haweeney isku soo sharraxdo xilka madaxweynenimo in ku xigeenkeeda uu noqdo qof rag ah.
Ruto ayaa xusay in tani ay door wayn ka qaadan doonto dhaqangelinta xeerka isku dheellitirka matalaadda jinsiyadeed.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ujeeddada laga leeyahay arrinkan ay tahay in aan ragga la takoorin balse laga dhabeeyo hal-beegyada jinsiyadeed.
William Ruto ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Kenya ay haweenka siiso fursadooda dhanka hoggaanka.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in barasaabka ismaamulka Embu ,Cecily Mbarire ay tahay guddoomiyaha xisbiga talada wadanka haya ee UDA.
Tani ayuu xusay in aynan iska imaan balse si ulakac ah loo sameeyay.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta si rasmi ah u daahfuray qorshaha istaraatiijiyadeed ee G7 oo xoogga saaraya taageeridda iyo awoodsiinta dumarka ee ismaamullada.