Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhinacyada Israa’iil iyo Falastiin ee isku haya marinka Qaza ugu baaqay inay gaaraan heshiis nabadeed.
Waxaa uu dhanka kale cambaareeyay weerarro uu sheegay in lagula kacay rayidka Israa’iil oo sida uu qoraalka u dhigay aan waxba galabsan tani oo uu ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
Bayaan ka soo baxay xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi ayaa lagu xusay in hoggaamiyaha wadanka uu dhammaan dhinacyada kala duwan ku boorrinaya inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka oo ay u hoggaansamaan xeerarka caalamiga ah.
Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayuu ku dhaliilay inuu gaystay falal argagixisannimo.
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa beesha caalamka ka dalbaday inay qaaddo tallaabo degdeg ah.
Waxaa uu Israa’iil iyo Falastiin u soo jeediyay inay is xakameeyaan oo aynan adeegsan tallaabo militari oo dheeraad ah.
William Ruto ayaa ku taliyay in la guda galo sidii xal nabadeed loogu soo afjari lahaa isku dhacyada.
Madaxweynaha dalka ayaa tacsi u diray qoysaska inta dhimatay isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.