Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hoggaamiyaasha waddamada qaaradda Afrika ku boorriyay inay sameyaan maalgelin dhanka shaqada ah si loo helo kobac dhaqaale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qaaraddu ay leedahay shaqaale u horseedi karo horumar.
Waxaa uu ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in laga faaβiidaysto xirfadaha , aqoonta iyo kartida wax soo saarka ee howlwadeennada.
Tani ayuu tilmaamay inay si wayn u dardargelin doonto inuu kordho dhaqaalaha dalalka Afrika.
Ruto ayaa sheegay inay qasab tahay in madaxda dowladaha Afrika oo mideysan ay saaxiibadooda dhanka horumarka ka kaashadaan sidii loo dejin lahaa qorsho wax ku ool ah oo lagu maalgelinaya arrimaha shaqada iyo shaqaalaha si looga faaβiido.
Arrimahan ayuu hoggaamiyaha dalka ka sheegay shir madaxeed uu uga qayb galay xarunta shirarka caalamiga ee Julius Nyerere ee magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania.
Madaxweynaha Tanzania , Samia Suluhu Xasan ayaa dhankeeda hoggaamiyaasha Afrika ugu baaqday inay maalgelin ballaaran ku sameeyaan adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada.
ππ ππππ ππππ ππππππ ππ πππ πππππ ππππππππ π ππ ππππππ
Africa must strategically invest in its workforce if it is to grow.
President @WilliamsRuto said the continent is presented with gifted human capital that can drive its⦠pic.twitter.com/eMLI8FMZDm
— State House Kenya (@StateHouseKenya) July 26, 2023