Madaxweynaha dalka oo ku baaqay dadaallo caalami ah oo lagu badbaadinaya deegaanka

0
200

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa caalamka ugu baaqay in uu iska kaashado dadaallada badbaadinta deegaanka.
Waxaa uu si gaar ah u tilmaamay in loo baahan yahay caadooyin waara oo lagu xoojinaya maareynta wasaqda.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay furitaanka kal-fadhiga 6-aad ee golaha arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay ee (UNEA-6) oo lagu qabanaya magaalada Nairobi.
William Ruto ayaa ka sheekeeyey guulaha ay Kenya ka gaartay ka hor tagga wasaqeynta deegaanka isagoo tusaale u soo qaatay tallaabadii sanadkii 2017-kii gudaha wadanka looga mamnuucay bacaha hal mar la adeegsado.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Kenya ay ka go’an tahay dardargelinta isticmaalka tamarta dabiiciga ah.
Waxaa uu Barnaamijka arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay ee UNEP ku bogaadiyay doorka uu ka qaato in waddamada ay ka wada xaajoodaan howlaha deegaanka saameynaya.
Waxaa uu taageeray soo jeedintii Afrika ee ahayd in xarunta dhexe ee UNEP ee magaalada Nairobi ay lahaato xoghayn qaabilsan dhaqangelinta heshiiskii ka dhanka ahaa bacaha .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay isku duba ridka maamulka deegaanka ee caalamka.
Sidoo kale waxaa uu golaha guud ee qaramada midoobay ka codsaday inuu howlaha deegaanka u qoondeeyo miisaaniyad ku filan oo qayb ka ah dhaqaalihiisa si loo taageero oo loo joogteeyo barnaamijyada hay’adda UNEP oo uu ku tilmaamay kuwo muhiim ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in caalamka uu wajahaya caqabado ay ka mid tahay saameynta isbeddelka cimillada oo uunan waddan gaar ah la tacaali karin.
Waxaa kulanka arrimaha deegaanka ee ka socdo magaalada Nairobi sidoo kale ka qayb galaya madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , dhigiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle , madaxweynaha Botswana , Mokweetgesi Masisi ,Brice Oligui (Gabon),Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad ,madaxa golaha guud ee qaramada midoobay Dennis Francis, agaasimaha guud ee Barnaamijka arrimaha deegaanka ee qaramada midoobay ee UNEP, Inger Andersen, Madaxa UNEA, Ms Leila Benali iyo mas’uuliyiin kale.