Waxaa uu qorshuhu yahay in madaxweynaha dalka William Ruto uu baarlamaanka iyo aqalka sare si wadajir ah khudbad ugu jeediyo 9-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula ka dib wargelin uga timid xafiiska madaxweynaha.
Kal-fadhiga uu hoggaamiyaha dalka uga hadli doono waxyaabaha u qabsoomay ayaa billaaban doono abaare 2:30 galabnimo ee maalinkaasi oo Khamiis ku beegan.
Farqada 132-aad qaybta 1-aad ee dastuurka dalka oo qeexaysa shaqooyinka madaxweynaha ayaa waxaa ku cad in sanadkiiba hal mar laga doonayo inuu si wadajir ah ugu khudbeeyo xildhibaannada baarlamaanka iyo senatarrada aqalka sare .