Madaxweynaha dalka oo khudbad ka jeediyay shirka isbeddelka cimillada

0
243

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa khudbad ka jeediyay shirka qaramada midoobay ee COP27 ee ka dhacaya dalka Masar kaas oo looga arrinsanaya la tacaalidda isbeddelka ku yimaada cimillada.
William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay inay dadaal badan ku bixiso ilaalinta bilicda deegaanka.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in la abuuri doono fursado dhaqaale oo ku saleysan tamarta laga soo saaro kheyraadka dabiiciga sida cadceeda, dabeysha iyo biyaha.
Ruto ayaa xusay inay doonayaan in dadallada lagu bixinaya wax ka qabashada isbeddelka cimillada ay noqdaan kuwo door ka qaata horumarka wadanka iyo istaraatiijiyooyinka looga soo kabanaya saameynta cudurka COVID-19.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in bulshooyin kaalin ka qaatay ilaalinta deegaanka aan la siin abaalgud ku filan.