Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu kenyaanka khudbad u jeediyo ka hor inta uunan galabta dhallinyarada kula hadlin barta wada sheekeysiga ee X-Space.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha warfaafinta ee madaxtooyada dalka Emmanuel Talam.
Khudbadda madaxweynaha ayaa la qorsheeyay in ay billaabato 1-dii duhurnimo ee maanta in kastoo ay dib dhacday.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo inta u dhexeysa 2-da ilaa 5-ta galabnimo ee maanta uu hoggaamiyaha dalka da’yarta kula hadli doono barta X.
Wixii qodobkan ku soo kordho wararka dambe ee idaacadda ayaad kaga bogan doontaan.