Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shacabka ku boorriyay in ay dadaal dheeraad ah muujiyaan , aynan niyad jabin sidoo kalena ay ka go’naato wax kasta oo ay qabanayaan.
Ruto ayaa sheegay in muwaadin kasta laga doonayo u adkeysiga caqabadaha nololeed ee soo foodsaara.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii ay cid waliba ilaaliso mabaadi’ida aasaasiga ah in laga gudbi karo culeysyada oo ugu dambeyn la wada guulaysan karo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale bulshada ka codsaday inay u gargaarto qaybaha nugul ee ku dhex nool.
Waxaa uu qoraalkiisa ku xusay inuu qabo kalsooni ah in jiilka hadda jiro uu awoodo ka shaqeynta mustaqbal ifaya.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu dadweynaha la wadaagayay farriintiisa la xiriirta dabbaal degga masiixiyiinta ee Easter.