Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida hooyada Tuju

0
452

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska ay ka baxday Mary Odiyo Tuju oo ahayd hooyada xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju .
Mama Mary ayaa xalay iyadoo 87 sano jir ah ku geeriyootay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi .
Mr. Kenyatta ayaa dhambaalka tacsida ah ku sheegay in Mary ay ahayd hoggaamiye bulsho oo dadaal badan.
Waxaa uu ku ammaanay kaalintii ay ka soo qaadatay arrimaha waxbarashada.
Mr. Kenyatta ayaa qoyska Tuju u sheegay inuu garab taagan yahay xilligan oo ay murugaysan yihiin.