Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Tanzania Edward Lowassa.
Waxaa uu Ra’iisul Wasaare ahaa intii u dhexeysay sanadkii 2005-tii ilaa 2008-dii xilligii madaxweyne Jakaya Kikwete.
Hoggaamiyaha dalka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Edward Lowassa uu ahaa hoggaamiye la ixtiraamo oo horumarka jecel.
Waxaa uu ku tilmaamay shakhsi ka soo shaqeeyay danaha shacabka Tanzania iyo si guud gobolka Bariga Afrika.
William Ruto ayaa sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoyska Lowassa, madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan iyo dhammaan shacabka dalkaasi.
Edward Ngoyai Lowassa oo muddo dheer xanuunsanaa ayaa isagoo 70 sano jir ah shalay ku geeriyooday isbitaalka lagula tacaalo xanuunnada wadnaha ee Jakaya Kikwete Cardiac Institute (JKCI) ee magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.
Waxaa halkaasi looga daaweynayay xaalado dhowr ah oo ay ka mid yihiin kuwa sambabbada, gaaska caloosha iyo dhiig karka.