Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida haweeney qayb ka ahayd halgankii xurriyad doonka

0
213

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta ay ka geeriyootay Muthoni Kirima oo ka mid ahayd shakhsiyaadkii ka soo qayb qaatay halgankii xurriyad doonka ee MauMau ee Kenya.
Waxaa uu ku tilmaamay haweeney geesiyad ahayd sido kalena dadaal badnayd.
Ruto ayaa xusay in Muthoni ay si nafhurnimo leh ugu soo adeegtay qoyskeeda , bulshadeeda iyo qaranka.

Waxaa sidoo kale tacsi tani la mid ah diray madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua oo sheegay in Muthoni Kirima ay ka barbar dagaallami jirtay halyeeygii ahaa Dedan Kimathi Wachiuri oo ay gacan yare u ahayd.

Barasaabka ismaamulka Nyeri, Mutahi Kahiga ayaa xaqiijiyay in haweeneydan oo 91 sano jir ahayd ay ku geeriyootay isbitaal ku yaalla xaafadda Pangani ee magaalada Nairobi oo loo geeyay daryeel caafimaad.
Waxaa uu intaasi ku daray in meydkeeda la gudbin doono xarunta meydadka la dhigo ee Lee Funeral Home ee caasimadda dalka.