Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyadeeyay geerida Amiirkii Kuwait

0
270

Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa tacsi u diray shacabka iyo boqortooyada Kuwait ka dib markii uu shalay geeriyooday hoggaamiyihii dalkaasi Sheekh Nawaf Al-Axmad Al-Jaber Al-Sabah.
William Ruto ayaa qoraalkiisa ku xusay inuu murugada la qaybsanaya Kuwait.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Sheekh Nawaf uu ka tagay hoggaan wanaagsan iyo rayidka Kuwait oo mideysan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in mas’uulkan geeriyooday lagu xusuusan doono sidii ay uga go’anayd gudashada waajibaadkiisa shaqo.