Waxaa la filayaa in madaxweynaha dalka William Ruto uu ka qayb galo dabbaal degga arrimaha dalxiiska iyo dhaqanka ee ismaamulka Turkana.
Munaasabaddan ayaa ka qabsoomi doonto xarunta dhaqanka ee Ekalees .
Waxaa ka soo qayb galaya xubnaha qowmiyadda Ateker ee degta waddamada Kenya , Uganda , Itoobiya iyo Suudaanta Koonfureed.
Sidoo kale waxaa munaasabadaasi loo adeegsan doonaa in lagu xoojiyo nabad galyada iyo wada jirka bulshooyinka ismaamulka Turkana.
William Ruto ayaa Turkana tagay galinkii dambe ee shalay wuxuuna shacabka kula kulmay magaalada Lodwar.




