Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku sugan ismaamulka Laikipia halkaasi oo lagu xusayo maalinta ciidamada gaashaandhigga wadanka ee KDF Day .
Waxay saraakiisha qalabka sida u dabbaal degayaan sanadguuradii 11-aad ee ka soo wareegatay markii ay gudaha u galeen dalka Soomaaliya bishii Tobnaad ee sanadkii 2011-kii.
Maalintan ayaa sidoo kale la xusuustaa ciidamada geeriyooday iyagoo dalka difaacaya.
Xuska maalinta KDF ayaa la qabanayay tan iyo sanadkii 2012.
Arbacadii ayay ahayd markii saraakiisha difaaca ay daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah ay ka fidiyeen isbitaalka Likii ee magaalada Nanyuki.
President @WilliamsRuto in Laikipia Air Base for KDF Day Celebrations. pic.twitter.com/3dsCq9sHJ2
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 14, 2022