Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saaka u ambabaxay magaalada London ee Ingiriiska si uu uga qayb galo aaska boqoraddii geeriyootay ee Queen Elizabeth II .
Marka uu halkaasi gaaro ayaa waxay wada casheyn doonaan boqorka Ingiriiska King Charles III.
Sidoo kale waxaa uu caawa ka qayb galaya munaasabad duco ah oo ay qabanayaan madaxda caalamka.
Berri oo Isniin ah ayuu hoggaamiyaha dalka ku biiri doonaa madaxda dunida ee ka qayb galaysa aaska boqoradda oo gaaraya ilaa 500.
William Ruto ayaa intaasi ka dib u sii gudbi doono Maraykanka gaar ahaan New York oo uu Talaadada ka furmaya kal-fadhiga 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay.
Madaxweynaha wadanka ayaa 21-ka bishan khudbad ka jeedin doono kulankaasi iyadoo diiradda la saaraya horumarka waara ee dhaqaalaha , amniga caalamka , xuquuqul aadanaha iyo qodobbo kale.
Waxaa sidoo kale la filaya in Ruto uu wada hadal la yeesho dhiggiisa Maraykanka Joe Biden iyo saraakiil ka tirsan rugta ganacsiga ee dalkaasi.