Madaxweynaha dalka oo ka qayb galay shirka jaaliyadda EAC

0
349

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo galinkii dambe ee shalay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya uga qayb galay shirka jaaliyadda bariga Afrika ee EAC ayaa sheegay in horumarinta kaabayaasha ay muhiim u tahay xoojinta isdhexgalka gobolka.
Waxaa uu Mr. Kenyatta xusay in waddamada xubnaha ka ah EAC aynan haleeli karin hiigsigooda haddii shacabka ku nool dalalkan aan loo fududeyn inay si madax bannaan isugu kala gooshaan.
Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in la dardargeliyo qaababka badeecooyinka la iskaga gudbiyo dalalka bariga Afrika.
“Haddii aan doonayno inuu jiro suuq naga dhexeeya waa in aan wanaajinnaa kaabayaasha gaadiidka “ ayuu yiri Mr. Kenyatta.
Waxaa uu shirka ka sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee uu maalgelin ballaaran ku bixiyay sidii loo wanaajin lahaa kaabayaasha dalka.