Madaxweynaha dalka oo ka mahadceliyay kaalinta nabadda ee qaramada midoobay

0
328

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya ay qiraysa sidoo kalena ka mahadcelinaysa kaalinta wanaagsan ee ay qaramada midoobay ka qaadato arrimaha nabadgalyada gaar ahaan gobolka geeska Afrika.
Arrintan ayuu Ruto shaaca ka qaaday ka dib markii uu xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi uu kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres oo dalka ku joogo booqasho rasmi ah.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka hoosta ka xarriiqay inay mar kale xaqiijinayaan sida ay diyaar ugu yihiin marti gelinta wada hadallo nabadeed oo u dhexeya dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan si loo helo xasilooni waarta.
Ruto ayaa sheegay in Guterres oo uu sidoo kale u sameeyay casho sharafeed ay ka wada hadleen horumarka laga gaaray geeddisocodka nabadeed ee dalka DRC ee ay wado jaaliyadda bariga Afrika ee EAC.
Mas’uuliyiintan ayaa bogaadiyey iskaashiyada dhinacyada badan ah ee lagu soo afjaraya colaadda saameysay bariga Congo.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa dowladda Kenya ku amaanay doorka ay ka qaadato ka shaqeynta nabadgalyada gobolka.
Guterres ayaa xusay in qaramada midoobay ay ka mahadcelinaysa dadaallada nabadeynta ee Kenya gaar ahaan waddamada Soomaaliya, Itoobiya, Congo iyo Suudaan.
Waxaa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan taageeridda dadaallada Kenya, urur goboleedka IGAD iyo Midowga Afrika si loo joojiyo colaadda u dhexeysa dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan.
Waxaa uu sido kale Kenya ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixinaysa la tacaalidda isbeddelka cimillada.
Guterres ayaa xusay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin degdeg oo ka dhan ah saameynta isbeddelka cimillada si loo badbaadiyo waxyaabaha ay shacabka nolol ahaan ku tiirsan yihiin.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa dhanka kale sheegay in waddamada caalamka laga doonaya inay kheyraadka wadaagaan oo aynan si iskood ah ula dagaallamin saameynta isbeddelka cimillada.