Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga faaβiidaysto awoodda wax soo saarka beeraha ee qaaradda Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan fursado badan oo dhanka beeraha ah oo u baahan maalgelin.
Tani ayuu xusay inay xal u noqon karto cunno yarida qaaradda saameysa.
Hoggaamiyaha dalka oo arrintan ka hadlay xilli uu shalay gaaray wadanka Tanzania ayaa sheegay in la joogo xilligii ay dalalka Afrika ka wada shaqeyn lahaayeen ka faaβiidaysiga kheyraadkooda.
Ruto ayaa magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania uga qayb galay madasha hannaanka cunnada ee Afrika ee sanadkan oo ay marti gelisay madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Xasan.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugnaa madaxweynaha Burundi Γvariste Ndayishimiye , dhigiisa Zanbibar Xuseen Mwinyi , madaxweynaha Senagal Macky Sall iyo masβuuliyiin kale.
Ruto ayaa ku celceliyay in mustaqbalka wax soo saarka beeraha uu wanaagsanaan karo haddii dhallinyarada laga qayb geliyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshaha dowladda ay ku yareysay qiimaha bacriminta uu sanadkan fududeyn doono in beeraha laga soo saaro 60 milyan oo kiishash galley ah.
ππ ππππ πππππππ ππ ππππ'π ππππππππππππ πππππππππ ππ ππππππ π πππ ππππππππ
Africa has a potential to feed itself and export the surplus, President @WilliamsRuto has said.
He noted that the continent has huge agricultural⦠pic.twitter.com/DiGO14wJOb
— State House Kenya (@StateHouseKenya) September 7, 2023