Madaxweynaha dalka oo ka hadlay shirkado dowladeed oo laga dhigaya kuwo gaar ah

0
427

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in shirkadaha dowladda ee uu waxqabadkoodu fiican yahay in laga dhigi doono kuwo si gaar ah loo leeyahay.
Tallaabadan ayuu xusay inay horseedi doonto in lagu soo bandhigo suuqa kala iibsiga saamiga ee Nairobi Securities Exchange.
Arrintan ayuu maanta ka sheegay madal lagu daahfurayay suuqa NSE ee sare loo qaaday.
Waxaa uu sheegay in wasaaradaha ay arrintan khuseyso uu ku amray inay suuqa NSE ku soo bandhigaan 5 ilaa 10 shirkadood muddo 12 bilood gudahooda ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray inuu rajeynaya in shirkado si gaar ah loo leeyahay fursad laga siiyo suuqan.