Madaxweynaha dalka oo ka hadlay muhiimadda xasiloonida Suudaanta Koonfureed

0
456

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Suudaanta Koonfureed oo ay xasilooni buuxda ka jirto ay muhiim u tahay isdhexgalka dhaqaale ee bariga Afrika.
Ruto ayaa xusay in dowladda Kenya ay ka go’an tahay in meesha laga saaro dhamaan caqabadaha ku hor gudban kobaca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee gobolka.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu ismaamulka Nakuru kula kulmay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir ,Dr. Barnaba Marial Benjamin sidoo kalena ah wasiirka arrimaha madaxtooyada ee dalkaasi.