Madaxweynaha dalka oo ka hadlay kaalinta waaxyaha gaarka ah ee caafimaadka

0
212

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in shirkadaha gaarka ah ay door muhiim ku leeyihiin howlaha caafimaadka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulkiisa uu la shaqeyn doono waaxyahan si loogu guulaysto barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay taageeri doonto shirkadaha soo saaro daawooyinka si loo xoojiyo wax soo saarka maxalliga ah.
Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dib u habeyn lagu sameyn doono hannaanka canshuuraha iyo qarashaadka la xiriira arrimaha ganacsiga.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay mudnaanta koowaad siin doonto in shirkadaha sameeya wax soo saarka maxalliga ah laga iibsado agabka caafimaad.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xaafadda Syokimau ee ismaamulka Machakos uu ka furay sheybaarka shirkadda daawooyinka iyo agabka caafimaad ee MEDS .
Madaxweynaha dalka ayaa intaasi ka dib kormeeray mashruuca guriyeynta ee deegaanka Kibera noo lagu hirgelinaya 4,000 oo guriyo ah.