Madaxweynaha dalka oo ka hadlay baahida ay Afrika u qabto soo saaridda daawooyinka

0
214

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in waddamada qaaradda Afrika ay baahi wayn u qabaan soo saaridda daawooyinka si ay gacan uga gaystaan soo afjaridda xanuunnada faafa.
Arrinta ayuu ka sheegay shirka soo saaridda daawooyinka ee Afrika oo uu soo qaban qaabiyay machadka caalamiga ee daawooyinka ee (IVI) kaasoo lagu qabtay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Madaxweyne William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in waddamo badan oo hoos tago qaaradda Afrika ay saameyn xooggan soo gaartay gaar ahaan xilligii cudurkii COVID -19.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in waqtigaasi si wayn loogu baahnaa daawooyin.
William Ruto ayaa sheegay in dalalka Afrika ay ugu dambeeyeen helidda daawooyinkii COVID-19 marka loo barbardhigo qaaradaha kale ee dunida.
Hoggaamiyaha dalkani Kenya ayaa tilmaamay in qaaradda Afrika ay leedahay awood cilmi baaris oo lagu soo saari karo daawooyin.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in Kenya ay door ku lahayd tijaabooyinkii daawooyinka COVID-19 ee la sameeyay.
Kulanka soo saaridda daawooyinka ee ka qabsoomay Addis Ababa waxaa sidoo kale ka qayb galay hoggaamiyeyala ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Liibiya Maxamad al-Menfi (Libya), dhigiisa jamhuuriyadda Sahrawi,Brahim Ghali ,Ra’iisul Wasaaraha Tunisia Axmed Hachani, agaasimaha guud ee machadka caalamiga ee IVI ,Jerome Kim iyo Jean Kaseya, agaasimaha guud ee xarunta xakameynta iyo ka hor tagga cudurrada ee Afrika ee (Africa-CDC).
Midowga Afrika ee AU-da ayaa go’aan ku gaaray in boqolkiiba 60 ee daawooyinka lagu soo saaro gudaha qaaradda Afrika marka la gaaro sanadka 2040-ka.
Dhanka kale madaxweyne William Ruto oo guddoomiyay shirka guddiga hoggaamiyaasha Afrika ee wax ka qabashada isbeddelka cimillada ayaa sheegay in muddo sanad ah oo la soo dhaafay ay qaaraddu ku tallaabsatay horumarro qodobkan la xiriira.
Waxaa uu xusay in dood wax ku ool ah laga yeeshay doorka ay Afrika ku leedahay xal u helidda saameynta isbeddelka cimillada iyadoo laga gudbaya sida uu qoraalka u dhigay aragtida calaacalka ku saleysan.
Waxaa uu William Ruto cadeeyay in shirkii isbeddelka cimillada ee Afrika ee bishii Sagalaad ee sanadkii 2023-kii ka qabsoomay magaalada Nairobi ka dib, waxyaabaha lagu tallaabsaday ay ka mid tahay sida dunida ay u adeegsan karto kheyraadka dabiiciga ee Afrika si loo xalliyo wasaqeynta hawada.
Waxaa kulankan ka qayb galay madaxweynaha dalka Comoros Azali Assoumani , dhigiisa Zambia ,Hakienda Hichilema, madaxweyne ku xigeenka Seychelles ,Axmed Afif, wasiiradda arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimillada ee Kenya ,Soipan Tuya, Agaasimaha guud ee Barnaamijka arrimaha Deegaanka ee qaramada midoobay ee UNEP , Inger Andersen, guddoomiyaha arrimaha deegaanka ee Midowga Afrika Josefa Sacko iyo mas’uuliyiin kale.